Sign in to follow this  
Deeq A.

Wakhtiga dhamaystirka Shuruudaha Ururada Siyaasadeed ee Puntland oo la kordhiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka Puntland, ayaa mudda laba bilood ah ku kordhiyay wakhtiga loo asteeyay soo dhamaystirka shuruudaha wajiga 2aad ee ururada siyaasadda Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga, ayaa lagu sheegay in kadib baaris iyo qiimayn Guddigu ku sameeyay khatarta faafidda cudurka Coronavirus, ay go’aansadeen in mudda laba bilood ah lagu kordhiyo wakhtiga loo asteeyay soo dhamaystirka shuruudaha wajiga 2aad ee ururada siyaasadda.

Guddiga ayaa uga  mahadceliyay dhammaan Ururada Siyaasadda dadaallada dheeriga ah ee ay wadaan, si ay u buuxiyaan shuruudaha wajiga 2aad, waxaana war-saxaafadeedka lagu faray ururada in ay joojiyaan dhamaan kulamada dadweynaha ilaa inta laga xaqiijinayo in khatarta xanuunkaas in laga gudbay.

Sidoo kale, guddiga ayaa ururada siyaasadda ugu baaqay in ay si dhow ula socdaan warbixinada iyo talooyinka guddiga ka hortagga xanuunka Corona iyo bahda caafimaadka, si looga gaashaanto faafidda COVID-19.

Kordhin.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Wakhtiga dhamaystirka Shuruudaha Ururada Siyaasadeed ee Puntland oo la kordhiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this