Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Ugu yaraan afar qof oo saddex kamid ah ay dumar yihiin ayaa ku dhintay qarax Miino oo ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Illo degaanka ah ayaa u sheegay Shabelle in qaraxa uu dadkaan ku haleelay agagaarka Awdheegle xili ay lugeynayeen.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dadkaan oo dhamaantooda shacab ah ay kasoo baxeen degaanka Lamber 60 ee gobolkaas.

Hooyo iyo gabadheeda ayaa lasoo wariyey in ay ku jiraan dadka ku nafwaayey dhacdadaas aysan wali ka hadlin mas’uuliyiinta.

Lama ogga cidda halkaas ku aastay Miinada. Balse, waxaa aagaas inta badan adeegsada ciidamadda dowladda Soomaaliya.

Inta badan falalka noocaan ah ee laga soo wariyo koonfurta iyo bartamaha waddanka Soomaaliya waxaa khasaaro ay kasoo gaaraan dad shacab ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this