Deeq A. Posted April 9, 2020 Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed ayaa maanta dhagax dhigay wajigii 3-xaad ee dhismaha wadada Janaraal Daa’uud oo dhaxmarta degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabada, gaar ahaan wadada isku xirta Isgoysyada Boondheere iyo Siinaay oo ah waddo aad u burbursan oo isticmaalkeeda ay bulshada dhibaatooyin kala duwan kala kulmi jireen. Wadadan ayaa ka mid ah wadooyinka aadka loo isticmaalo, waxayna martaa suuqa Siinaay oo kulmiya degmooyinka Boondheere, Warta Nabada iyo Yaaqshiid. Waxaa dhagaxdhigga Duqa Magalaada ka sokow goobjoog ka ahaa Qaar ka mid ah ku xigeenaddiisa, Agaasimayaasha, Gudoomiyaha Degmada Boondheere iyo Gudoomiyaasha Haweenka iyo Dhallinyarada Gobolka Banaadir. Dhanka kale, Cumar Filish ayaa ka dhawaajiyey in dad badan ay Muqdisho ugu dhinteen Coronavirus. Shaqsiyaadkaas ayuu caddeeyay in qaarkood uu isagu garanayo. Balse ma uusan carabaabin tiradda guud. Hadalkaan ayaa kusoo aadaya xili wasaaradda caafimaadka ay soo bandhigtay kiisas cuusb oo wadar ahaan gaaraya 4, taas oo tiradda guud ka dhigtay 12. View the full article Share this post Link to post Share on other sites