Sign in to follow this  
Deeq A.

Dadkii huriyey colaada Wanlaweyn oo lasoo qabanayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Wanlaweyn (SMN) – Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Ibraahim Aadan Cali ayaa sheeegay in lagu tallaabsaday guullo  hor dhac ah ka dib markii la kala qaaday kooxihii ku  dagaalamaayey halkaasi.

Guddoomie Najax oo la hadlay  qaar ka mid ah dadka ku nool degmada  Wanlaweyn  ayaa digniin u diray shakhsiyadka hubeysan ee ka dambeeyay dagaal beeledyadii ka dhacay degmadaasi.

Gudoomiyaha ayaa xusay in aan la aqbali doonin in dadkii dhibaatada ka geystay Wanlaweyn in ay sii joogaan,sidaa daraadeedna  gacanta lagu soo dhigi doono cid kasta oo ka qeybgashay dagaaladii dhexmaray labadaasi beelood eek u dgaalamay halkaai.

Ibraahim Aadan Cali Najax waxa uu sheegay in uu dhow yahay xalka dagaaladii ka dhacay Wanla Weynm sidaa daraadeedna loo baahan yahay  in ciidamada ay u howlgalaan gudasha waajibaadka xagga amniga ah ee ay u xilsaaran yihiin,isagoo dhinaca kalena qirau in caddaaladda la horkeeni doono cid kasta oo geysatay dhibaatooyin bini’aadanimo.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this