Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgalo laga sameeyay degmada Wanlaweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Wanlaweyn (SMN) – Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa howlgallo qorsheysan  ka wada Degmada Wanlaweyn iyo deegaanno ku dhaw dhaw oo maalmihii lasoo dhaafay ka socdeen dagaalo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo walaalo ah.

Sargaal ka tirsan ciidamada DANAB ayaa sheegay in ciidamada ku guuleesteen in ay xoog ku qaadaan isbaarooyin yaalay inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn oo u yiilay ciidamo ka tirsan milatariga iyo maleeshiyaad hubeesan.

Waxa uu sheegay sargaalkan in sidoo kale kahor tageen weerar maleeshiyo beeleed ku soo qaadeen tuulooyin hoos taga degmada Wanlaweyn, waxa uuna tilmaamay in ay wadaan howlgalo amaanka lagu xaqiijinayo .

Sargaalkan ka tirsan DANAB ayaa sheegay in ay fulinayaan amarka kasoo baxay Maxkamada ciidamada qalabka sida ee lagu baadi goobayo dadka hurinaya iyo kuwa ku lugta leh dagaal beeleedyada ka socda degmada Wanlaweyn.

Ciidamada DANAB ayaa degmada Wanlaweyn iyo deegaannada ku dhaw dhaw loo geeyay in ay joojiyaan colaada u dhaxeysa labo beelood oo walaalo ah iyo in sidoo kale qaadaan isbaarooyinka yaala inta u dhaxeysa Afgooye iyo Wanlaweyn.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this