Deeq A. Posted April 9, 2020 Cadaado (SMN) – Xaalada degaano ka tirsan gobolka Galgaduud oo maalmihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen dagaalo ayaa lagu waramay in ay ka jirto deganaanshiyo. Degaanadda ay xasiloonida laga soo sheegayo ayaa kala ah; Dhabad iyo Foron-tiyeer oo u dhaxeeya degmada Cadaado iyo magaaladda Caabudwaaq. Ciidamadda Xoogga ee ka howlgala halkaas ayaa lagu soo waramay in ay ku guuleysteen in ay kala dhex-galaan dhinacyadda dagaalamay. Dhimasho iyo dhaawac ayaa lasoo wariyey in ay sababeen isku-dhacyadda oo salka ku hayey aanooyin qabiil oo beelaha dhexmartay. Madaxweynaha dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa horey ugu baaqay joojinta colaada isla markaana wuxuu faray ciidamadda in ay qaboojiyaan dagaal beeleedyada. View the full article Share this post Link to post Share on other sites