Deeq A. Posted April 9, 2020 Muqdisho (SMN) – Taliska Ciidamadda Soomaaliya ayaa amar dul-dhigay maleeyshiyaadka ku hubeysan qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose. Taliyaha Guutada 7aad, Cumar Cabdiraxmaan Abuukar, ayaa faray saraakiisha gobolka in ay hub ka dhigis ku sameeyaan maleeyshiyaadka. Isagoo hadalkiisa sii wata, Gaashaanle Dhexe Cumar ayaa tilmaamay in hubka ku jira gacanta rayidka ay sababeen dagaaladii ka dhacay degmada Wanlweyn. Hogaanka ciidamada ayuu hoosta ka xariiqay in uusan u dulqaadan doonin wixii haatan ka dambeeya in hub ay wataan maleeyshiyaadka. Tobanaan ruux ayaa lagu dilay dagaal beeleedyo todobaadyaddii lasoo dhaafay ka dhacay Wanlaweyn, iyaddoo colaada ay salka ku haysa aanooyin qabiil iyo loolan siyaasadeed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites