Sign in to follow this  
Deeq A.

Qof Dhawaan La Kulmay Raysal Wasaaraha Soomaaliya Oo Laga Helay Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shalay shaaca ka qaaday in cudurka Coronavirus uu ku dhacay laba sarkaal oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda.

Warbaahinta maxaliga ah ee magaalada Muqdisho oo ay Somalilandtoday warkan ka soo xigatay ayaa sheegaya in mid ka mid ah labadaas qof uu ku jiray xubno ka socday wasaaradda oo toddobaayo ka hor xafiiskiisa kula kulmay raysal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay sheegaya in kulanka xubnahan iyo ra’iisul wasaare Kheyre uu dhacay badhtamihii bishii March, mana cadda in xilligaas uu qabay cudurka qofka laga helay.

Si kastaba, xubno ku dhow ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in anu xilligaas qabin cudurka, maadaama hadda laga joogo in ka badan saddex toddobaad, islamarkaana wasaaradda ay shalay un shaacisay in laga helay cudurka.

Wasaaradda ma shaacin goorta la baadhay labadan qof ee ka mid ah shaqaalaheeda iyo goorta laga helay cudurka, taasi oo wax badan ka caawin lahayd in la ogaado in la-kulankooda uu khatar gelin karo raysal wasaare Khayre.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this