Sign in to follow this  
Deeq A.

War-weyn:Markab Shixnad Daruuriya & Agab Caafimaad sida oo ku xaniban Dekeda Berbera & Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Markab Shixnad Daruuriya & Agab Caafimaad sida oo ku xaniban Dekeda Berbera & Sababta

ship.jpg

Berbera-(Qaran-news)-Sida ilo xogogaal ahi u xaqiijiyeen Warfidiyeenka Qarannews waxaa maalmahanba magaalada Berbera ku xaniban Markab Nooca kunteenarada qaada oo sida shixnad dhan 890 Kunteenar oo isagu jira Raashin kala jaad-jaad sida Caano,Timir & Badeecado kale oo loogu talo galay Bisha Barakaysan ee Ramadaan,Sidoo kale waxaa markabka saaran Agab caafimaad iyo Daawooyin oo aad loogu baahan yahay xilligan.

Markabkan oo ka soo shiraaqday Dekeda Magaalada Jeddah ee Dalka Sacuudi Carabiya ayaa soo gaadhay Dekeda Berbera Arbacadii hore oo ku beegnayd 1-dii April 2020-ka.

Sidoo kale waxay xogguhu intaas ku darayaan in Ganacsatada leh Shixnada & Badeecadaha kala duwan ee Markabkan saaran markiiba Shirkada Oomar oo Wakiilka u ah Markabka u jartay warqada  DO-ga (Delivery Order) oo ay kula bixi karaan Alaabtooda,Ku darsoo waxay Waaxda Kastamaduna ka shubtay Ganacsade Walba Canshuurta ku waajibtay ee u saran Markabka,Halka Shirkada DP World-na ka qaadatay Khidmadii Adeega “Handling Services”-kii,Haddaba maxaa dhacay?.

Sida xogguhu tibaxayaan waxaa markabku u xaniban yahay oo diiday in la soo xidho Shirkada DP world oo sheeganaysa Lacag badan (Handling Charges) oo kaga maqan Ganacsade Oomar oo ah Wakiilka Markabka & Shirkada Kunteenarada PIL.Lacagtan DP World ku sheeganayso Shirkada Oomar ayaa la sheegayaa inay la xidhiidho Adeegyo hore oo loo qabtay oo aan khuseyn Markabkan Balse Shirkada Oomar ka gaws adaygtay inay bixiso taas oo sababtay in DP World-na xanibto markabkan & shixnadii uu sidayba

Isku soo wada duuboo Ganacsatada Shixnadu u saaran tahay Markabkan ayaa ku jahawareesan waxaa badeecadooda loo xanibay,cida xanibtay & Waxa laysku haysto.Ganacsatada Shixnada u saaran tahay Markabkan ayaa noo xaqiijiyey inay garan la yihiin ciday qadiyadan kala xidhiidhaan maadaba laysku tuurtuurayo oo qoloba qolo xanibaada ku eedaynayso.

 

 

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this