Sign in to follow this  
Deeq A.

150 Ka Mid Ah QOYSKA Boqortooyada Sacuudiga Oo Laga Helay Cudurka Coronaviorus

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Qiyaastii 150 xubnood oo ka tirsan qoyska boqortooyadda Sacuudiga ayaa la rumeysan yahay inuu saameeyey cudurka Coronavirus, lix toddobaad kadib markii boqortooyada ay shaaca ka qaaday kiiskii ugu horreeyey, waxaa sidaas qoray wargeyska caanka ah New York Times.

Iyada oo heerka faafitaanka cudurka ee boqortooyada uu kasii darayo, ayaa 500 oo sariirood waxaa lagu diyaariyey isbitaallada ugu wanaagsan dalka, kuwaas oo loogu talo-galay xubnaha boqortooyada.

Sida uu qoray New York Times, Amiir Faisal bin Bandar bin Abdulaziz Al Saud, oo ah badhasaabka gobolka Riyadh, islamarkaana uu adeer u yahay boqor Salmaan, ayaa ka mid ah xubnaha uu cudurka ku dhacay, wuxuuna ku sugan yahay xaalad deg deg ah.

Boqor Salman, oo 84 jir ah, ayaa isku go’doomooiyey jasiirad ku taalla meel u dhow magaalada Jeddah.

Sidoo kale, dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohmaed Bin Salman, oo ah 34 jirka sida aan rasmiga ahayn u maamula Sacuudiga, ayaa joojiyey la-kulankii wasiirada, wuxuuna ku nool yahay guri ku yaalla xeebta Jeddah, meel u dhow halka laga dhisayo magaalada mustaqbalka ee Neom.

Illaa iyo hadda ma cadda heerka uu gaadhsiisan yahay iyo sida uu cudurka ugu dhex-faafay boqortooyada.

Sacuudiga ayaa billowgii hore awoodday kaliya inay sameyso tijaabooyin xaddidan oo cudurka ah, taasi oo ay suurta-gal tahay inay sahashay in ayada oo aan la ogeyn uu cudrka ku dhex-faafo boqortooyada.

2,900 oo kiis oo cudurka ah ayaa laga xaqiijiyey guud ahaan Sacuudiga, iyada oo 41 qof ay u dhinteen

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this