Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Sarkaal dhowaan la kulmay R/W Xasan Kheyre oo laga helay Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shalay shaaca ka qaaday in cudurka Coronavirus uu ku dhacay laba sarkaal oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradda.

Caasimada Online ayaa ogaatay in mid ka mid ah labadaas qof uu ku jiray xubno ka socday wasaaradda oo toddobaayo ka hor xafiiskiisa kula kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulanka xubnahan iyo ra’iisul wasaare Kheyre uu dhacay bartamihii bishii March, mana cadda in xilligaas uu qabay cudurka qofka laga helay.

Si kastaba, xubno ku dhow ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inay rumeysan yihiin inuusan xilligaas qabin cudurka, maadaama hadda laga joogo in ka badan saddex toddobaad, islamarkaana wasaaradda ay shalay un shaacisay in laga helay cudurka.

Wasaaradda ma shaacin goorta la baaray labadan qof ee ka mid ah shaqaalaheeda iyo goorta laga helay cudurka, taasi oo wax badan ka caawin lahayd in la ogaado in la-kulankooda Kheyre uu khatar gelin karo ra’iisul wasaaraha.

Cudurkan ayaa badanaa dadka haya hal illaa saddex toddoobaad, taasi oo ka dhigeysa inay u badan tayay in xilligaas aysan qabin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this