Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Galmudug iyo NISA oo hawlgal wadajir ah ka wada gobolka Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliiska dowlad goboleedka Galmudug, oo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan Ciidanka Nabad sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya ee NISA, ayaa xalay ilaa  saaka hawlgal qorshaysan ka wada degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Hawlgalkaas, ayaa lagu sheegay mid lagu xaqiijinayo Amniga degmada Baxdo iyo tuulooyinka hoosyimaada, si looga hortago dadka dhibaatada iyo Amni-darrada ka wada degaanka, sida laga soo xigtay saraakiil hoggaaminaysa hawlgalkaas.

Dadka degaanka ayaa ku soo warramaya in hawlgalka uu xalay ilaa saaka ka socdo gudaha Kaxda iyo tuulooyinka ku xeeran, islamarkaana uu saamayn ku yeeshay isu-socodka degaanka.

Dhinaca kale, Saraakiisha Booliiska Galmudug iyo hay’adda Nabad sugidda NISA, weli war kama soo saarin haddii ay jiraan dad hawlgalkaas lagu soo qabtay.

PUNTLAND POST

The post Booliiska Galmudug iyo NISA oo hawlgal wadajir ah ka wada gobolka Galgaduud appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this