Sign in to follow this  
Deeq A.

Qofkii u horreeyey ee gudaha Soomaaliya ugu geeriyooday Xanuunka Coronavirus+Tiro Hawl-wadeeno Caafimaada oo laga helay

Recommended Posts

Deeq A.   

Qofkii u horreeyey ee gudaha Soomaaliya ugu geeriyooday Xanuunka Coronavirus+Tiro Hawl-wadeeno Caafimaada oo laga helay

.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in dhimashadii ugu horreysay ee uu sababay coronavirus ay ka dhacday magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wasiiradda caafimaadka dawdlada federalka soomaliya Fowziya Abiikar Aaadan ayaa xaqiijisay in qof la xanuunsanaa coronavirus uu ku geeriyoodey gudaha Soomaaliya. Qofka geeriyooday waxuu ahaa Muwaadin soomaaliyeed oo 58 jir ah, ku geeriyoodey Isbitaalka Martiini.

Ilaahay ha u naxariistee waxaan xaqiijineynaa geerida qofkii u dhintay cudurka COVID 19. Waxaa kaloo isla galabta la xaqiijiyay 4 xaaladood ee cudurka. Waa faafida bulshada dhexdeeda.
Fadlan raaca talooyinka caafimaad si cudurka loo xakameeyo.

— Dr Fawziya Abikar (@AbikarDr) April 8, 2020

Shalay ayaa laga soo qaaday mid ka mid ah isbitaallada Muqdisho halkaas oo uu ku xanuunsaday. Waxaa intaas dheer in aanu dibadda ka iman ee uu ahaa qof magaalkada Muqdisho deggan.

Waxay sidoo kale Wasiiradda sheegtay in 4 kiis oo cusub oo coronavisus ah la diiwaan galiyay

Waxaa kamid ah dadka laga helay cudurka labo sarkaal oo shaqaalaha Wasaaradda caafimaadka ah taas oo qasab ka dhigaysa dhammaan dadkii la shaqaynayay ama xariirka la lahaa inay karantiil galaan inta laga xaqiijinayo baaritaanka.

— Dr Fawziya Abikar (@AbikarDr) April 8, 2020

Isku darka tirada guud ee cudurkan ee Soomaaliya ayaa hadda noqotay 12.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this