Sign in to follow this  
nuune

WARQAD JACEEL AH

Recommended Posts

nuune   

To: Masbal Muxiyidiin

From: Boolbaro

Masbaleey marka hore salaan muujisan oo muuqata midabkeeda kasoo go'dey mowjadaha dhiiggeyga iyo maqaalada lafaha niikada iga hoo mar aad mirqantidee, micna aad ku fadhidaa meel kasta aad ka muuqatid miyirkeey aad ku taalaa maankeey adaa qaatay maskaxdeey ma joogto mar kasta magacaa aan meel kasta ku sheegaa la igu maadsadaa inaan maraan ama mariil ahay ma u maleenaayi saas inaan ahay muxibadaa kalkaceelka aan kuu qabo aa i maroojisey mooradeeda minqarka ka dhigay mircood lagu shubey mallaay maraqiis,

 

maqrib iyo mashriq meeshaan tago madaxay magacaa masbal maka baxo, muran aa laigu diley inaan meel iska dhigo magacaaga masbal anna wa ka diidey murankiin marrabo aan dhahay mar haddiin ku arko mushaari kuu walaaqo malawax kuu dubo markaas aad ogaanee muxibadiin kuu qabo micnahay ku fadhido miizaanka ay leedahay , mawqifkeey mar hore aan kuu sheegay micna aas xanbaaranyahay Mowlahey Alle waaye Maalikul Mulki waaye Midigteey aas taaganyahay meel kasta aan maalin walbo maro ma daayo magacaaga muraadkeey ilaah ha sahalo maalintiin ku arko sidin kuu marjinaayo oon kuugu diimaayo ma maleen kartid masbaleey,

 

muuqaalkaaga aa i maan qaaday ku tuurey meel kale maradaada aad meedaarsantahay markiin arko mugdi anoo joogo waa ii muuqataa micna darro ma u marinaayi warqadaan mawlaca ma ka baxo mar kasta waa joogaa muraad aan akhristaa inaan maalin arko muuqaalkaa muranka uu dhamaado mishkilo ay meel kale aado anna meel aan fadhiisto midigtaa agteed ku raaxeesto muslimiin ii maciinto usheegto mishkiladeey ma arkin mana ka maarmi in la ii maciino, munaafaq ma rabo mooradiisa mar hore aas iyiri masbal mixibba hadiid u qabtid anaa kuu maciinaayo anigana marabo aan dhahay maqaaxi horteed aan ku murannay maqaarkeey waa dhamaaday saan maalin walba isku maraayay gabadh kasta een muuqalkeed arko u maleeyo masbal kadib laigu maaweeliyo masbal waa arkee mishkilada iska dhaaf malaariya aa kugu dhaceeso maando aa noqonee mixrabka aa ka niikinee anina waa ka diidaa warkood maka yeeli murankood iniis maskaxdeey marto miinshaar aan wattaa kii agteey soo maro magacaaga masbal soo mariyo ama sheego qoorta aan ka jaraa masaar aan ku faagaa madaxiis maka haraayi illaa aan mowtkiisa ka tillaabsado,

 

masbaleey ma ii jeedid miyaa rafaadka aan kuu marooyo mise maciin aaad heshay oo midigtaa fadhiyo mawqifkaa ii sheeg ma nooli ma joogi minanka maalintii dhan waa ka maqanahay ma garanaayo meel aan maraayo mar hadaan ku arko ma ku sii deenaayo meel kasta aad gasho makaa haraayi mooritaaniya aad ma haraayi muqdisho aad ma samraayo meeshiid gashid madaxeey waa galaa markaas aad arkee muxibadii jaceelka aan kuu micneeyay murtideey xanbaarsantahay mashaqadii isoo martay indhaheeyga misbaaxa noqdeen ma arki waxbo subixii saan u maqanahay maghribkaa iga taga anoo maroodi mooradiisa ku jiro meelaha awaaraayo ku moodo mulac maskiin oo meel iska fadhiyo maqaarkiis eber noqdey,

 

ma maleen kartid muxibadiin kuu qabo masbaleey maantoo dhan ma deenaayo malafkaan aan qoraayo majaroor maskin aa la i moodaa markii la i arko wax ma cuno mushaari ma miirto adi daraadaa aan maciin la'aan meelaha u maraa, hadda maxaa i leedahay mawqifkaa aan sugaa ku adkeesanaa inaan maalin ku arkaayo mugdiga iga dhamaanaayo maankayga soo noqdo maskaxdeyda taam noqoto miyyirkeyga juusto noqdo masbaleey micna weyn aa agteey ku leedahay ma garan kartid adiga anaa kuu muujinaayo micneenaayo mixnadiin soo maray mishkiladii i marjisay mashaqadii i maroojisay masharabkiin cabbo ma u maleeyo sharaab mindi aan moodaa maankey ma joogo masbaley adaa la tagay ma ogid laakin,

 

madiina aad aado magaca iska soo baddasho muuqaalkaa wareejiso mar kasta waa ku soo saaraa haiga dhuuman masbaleey mashrax aa tahay waa micdaartaa maraan haiga dhigin murugo haigu ridin misqool aan cunaa mircood aan ka daba geeyaa tiitiin mirihiis aan quutaa maalin kasto ma u jeedid miyaa saan ahay, mar isoo fiiri, muranka ha dhamaado, mawlaca aan kasoo baxo,maryaha aan iska xoorno, mugdi aan galno, mallaay camaleeti aan is rifno minyara ma keenaayi Maalikul Mulki aan ku dhaartay minweyn aan minyara laheen inaad noqoneyso aan kitaab ku maraa, muxaadara wax la moodo aan akhriyaa meeshiin maro laakin ma ahan muxaadaro madadaalana ma ahan maxay tahay masbaleey adaan ku weydiiyee? maxa sugee jawabta muxibada aan kuu qabo micneenteeda lee waaye.

 

BY BOOLBARO BARALAATI

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

heestiina waa tanaa:

 

minjahaaga gaaban

malaasanoo la moodo x2

diidiin macruuf ah

magaalada laga yaqaanoo

meel kastuu maro la daawado

socodkiisa hindhisada miiran x2

 

beerkaaga salaaxanoo

baradha ceyriin ka daran

baladkaba aan lagu arag x2

been ma sheego boolbara weeye

waxa kula bood boodayee x2

kolba bishimahaaga ku dheelayee

 

bilcaantii lagu nastaay

bureeqadii ahaydee

biya aan kabadiyoo

banii aadam idilkiis

meel kastuu joogaba

waxa uu bidhaansadaa muuqaaga x2

 

baralaati aan noqdiyoo

kolba baabuur aan ka dhacayoo

la imoodo baalbayeeri

tubaaka taqsiimayoo

la haasaawayo quraanjiyo x2

khatumeesatay adduunkeed

 

maxann maxann maxann

maxann maxann maxann X2

maxaan masbaleey meereestay

meel kasta maray maraan noqdey

maxaan masbaleey meereestay x2

 

muuqaaga maxaan meelaha ka raadshay

magaalada maqalkaaga ka eegay

maxaan masbaleey meereestay meereestay x2

madfac maxaan in badan u ganbiyay

anoo meelaha marayo

la i moodo maroodi mallaariya qabo

maxan masbaleey meereestay meereestayx2

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

waraa Boolbaro raali noqo sxb..waan maqnaa...

Anigana waan kuu sawadaa kisteyda..lol....

Jacburis waalan aa taqanaa walaahi..gacan aan kuu tagay sxb

..lol.....

 

wareer badanaa!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

mar isoo fiiri, muranka ha dhamaado, mawlaca aan kasoo baxo,maryaha aan iska xoorno, mugdi aan galno, mallaay camaleeti aan is rifno minyara ma keenaayi Maalikul Mulki aan ku dhaartay minweyn aan minyara laheen inaad noqoneyso aan kitaab ku maraa,

----waa ku jeeda waana ku firihaa hee:rolleyes: :rolleyes:maxaad iheysaa mugoo, maannto dhaan i madadalinee?

macaanow waad ogtahay muxibadaan ku qabee, inaan ka marminna waad ogtahay aa umaleyna ;) . Mandhow macawista diyaarso , muraadkey waad kase ;) , waan ISRRIFI donaaye laakin majnoonimadaan, laba mirreda iyo midaanka kuhayo mandhow inaan kadaweeyo waaye marka hore.

 

wareer badanaa :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tuujiye   

Aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa....lol

 

Raula..aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaa...

 

Waakaa baqay bas..

 

wareer iyo nus iga dheh..Naga tag dhidid aaba naga keentayee

 

Wareer badanaa!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Qacbaro loool ma cabsatayna, rif rifoowaa loooool

 

raula waaaaaaw adi miyaa ya salaaam alaa yaa cizzak min hinaa wa min hinaa ana mithlal jukatiiri ceynak wa ceynak taduuqu miixaani ya xilwa ya micgahaani loooooool

 

 

wara feebaro tooka bar tookaa la dhahee see camal baaba mise wali wax kalaa baduujineysaa boojaal aa lagaa raacay ar adigaa ma daashid ma noogtid bugdhawoow lee ku jirtaa toman ii afartan saacadood :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
raula   

^^^ ;) ani le waaye boolbaro baralaati(<-KKKKKK). Feebaro maxaa iga baqee, hadaanba rabaa inaan kusso xero gashto-ma aqbalee laakin :D lol-kidding. Qacbaro hadii mesha la isrifeynin adi lee lugu rifaa-iskajir hee mandhow.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Qac Qaac   

ok raula bas bas, idinka is riffa ani yaa la irifin...

 

probabl first waa rifid, kadib waa murxis, kadib na waa fiiqitaan. xoogaas ma haayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this