Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS oo go’aan kasoo saartay Imtixaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay Go’aano ku saabsan dhinaca Waxbarashada,dugsiyada  iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay ka hortagga Cudurka Dilaaga ee Coronavirus.

War-Saxaafadeed kasoo baxey Xafiiska Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa lagu shaaciyey qodobo ay kamid yihiin in la joojiyey bixinta Cashirada Dugsiyada Sare ee Sanad dugsiyeedka 2019/2020.

Warsaxaafadeedkaan waxa uu u qornaa sidatan

Ayadoo la tixgelinayo xaaladda caafimaad ee dalka iyo dunidaba ka taagan ee la xiriira cudur saf-marka ah ee Covid_19, lana qiimeynaayo xaaladda waxbarasho ee dalka iyo daruufaha ardayda kala duwan ay ku helaan adeegyada waxbarasho, isla markaana lala tashanaayo bahda waxbarashada oo ay ku jiraan Dalladaha, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulayaasha dugsiyada ayaa;

1) Wasaaraddu waxay si rasmi ah ugu dhawaaqeysaa in la joojiyay qaadashada casharadii waxbarashada dugsiyada ee sannad dugsiyeedka 2019/2020 oo ay hadda ka harsan tahay muddo ka yar afar isbuuc;

2) Ardayda sannad dugsiyeedka dhamaaday waxaa lagu qiimeyn doonaa heerkii ay daruusta ka marayeen xilligii lagu dhawaaqay xeritaanka dugsiyada oo ku beegneyd 19ka bisha Maarso, 2020;

3) Wasaaradda waxay la socod siineysaa ardayda, waalidiinta iyo macallimiinta Soomaaliyeed in la qaadayo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga Sare ee sannad dugsiyeedka 2019/2020. Waqtiga la qaadi doono, sida loo qaadayo iyo xogta la xiriirta diyaar garowga imtixaankaba dib ayaan ula soo wadaagi doonnaa bulshada.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this