Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Imaraadka Carabta oo Ismaamulka Puntland gaadhsiisay Agab & Qalab caafimaad

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Imaraadka Carabta, ayaa maanta oo Arbaco ah maamulka Puntland gaadhsiisay agab caafimaad, oo loogu tala-galay xakamaynta cudurka Coronavirus.

Agabkaasi caafimaad oo uu kamid yahay shaybaarka lagu ogaado cudurka COVID-19, ayaa saaka laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Boosaaso, laguna wareejiyey wasiirka Caafimaadka Puntland Jaamac Faarax Xassan.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa isna uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka agab caafimaad ee ay ugu deeqday Puntland, kaasi oo loo adeegsan doono ka hortagga iyo xakamaynta xanuunka Coronavirus.

 

Dhinaca kale, dowladda Imaaraadka Carabta ayaa agab caafimaad oo kan ay Puntladn ka dejisay la mida ka dejisay Caasimada Somaliland Hargeysa Halkaas oo ay kala wareegeen Wasiirada Caafimaadka,Maaliyada & Awqaafta ee Somaliland.

3-8.jpg?w=1000&ssl=1 6-6.jpg?w=1000&ssl=1 5-7.jpg?w=1000&ssl=1 4-7.jpg?w=1000&ssl=1 3-9.jpg?w=1000&ssl=1 2-10.jpg?w=1000&ssl=1 1-12.jpg?w=1000&ssl=1

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this