Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo ugu hanjabay Hay`adda WHO inuu ka jaraayo dhaqaalaha Dalkiisu siiyo+Jawaabta Gudoomiyaha Midwga Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   

Trump oo ugu hanjabay Hay`adda WHO inuu ka jaraayo dhaqaalaha Dalkiisu siiyo+Jawaabta Gudoomiyaha Midwga Afrika

 

faki.jpg

Madaxweynaha dalka Mareykanka  Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu ka jarayo dhaqaalaha uu siiyo hay`adda caafimaadka adduunka ee WHO sababo la xiriira wax-ka-qabasho la`aanka cudurka coronavirus.

Trump ayaa ku eedeeyay WHO gaabis dhanka cudurka coronavirus islamarkaana ay xilli dambe ku dhawaaqday in cudurkani yahay halis dunida soo food-daartay.

Mareykanka ayaa ah waddanka dhaqaalaha ugu badan siiyay hay`adda WHO oo Qaramada mudoobay u qaabilsan dhanka caafimaadka.

” – Waxa ay galeen khalad, waxaana aaminsanahay in ay ogaayeen laakiin ay ka gaabiyeen. Waana baareynaa arintaasi”, sidaa waxaa shir jaraa`id ku yidhi madaxweyne Trump.

Madaxweyne Trump ayaa qudhiisa lagu eedeeyay in uusan si dhab ah u qaadan khatarta cudurka coronavirus xilli hore

Jawaabta uu Gudoomiyaha Midowga Afrika ka bixiyeye Eedaha Trump:-

Surprised to learn of a campaign by the US govt against @WHO’s global leadership. The @_AfricanUnion fully supports @WHO and @DrTedros. The focus should remain on collectively fighting #Covid19 as a united global community. The time for accountability will come.

— Moussa Faki Mahamat (@AUC_MoussaFaki) April 8, 2020

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this