Sign in to follow this  
Deeq A.

“Abyi Axmed, Siyaasaddiisa Muu Qarin Ee…” Cabdillaahi-dirawal Oo Sheegay Inaan Loo Baahnayn In Somaliland Xilligan Wada-hadal La Yeelato Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliland ayaa sheegay in aanay Somaliland xilligan u baahnayn inay Wada-hadal la yeelato Soomaaliya.

Dirawal oo Shir-jaraa’id ku qabtay Gurigiisa Hargeysa, ayaa sheegay inuu la yaaban yahay in Xilligan Somaliland ay Wada-hadallo la gasho Soomaaliya, maaddaama buu yidhi Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya oo lala hadli lahaa aanay Maamulladoodiiba aanay Gacanta ku haynin, Raysal-wasaaraha Itoobiya oo hawlahaa ku jiraana qorshihiisu yahay inuu isku daro dalalka Geeska.

Mr. Dirawal oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Anigu waxaan fikir ahaan la yaabanahay arrinkan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, Waayo? Arrinta Wada-hadalladu Maanta uma taallo Somaliland, markaa eego xaaladaha innagu cakiran iyo Siyaasadaha innagu wareegsan, ama Itoobiya siyaasadahan ay waddo ha ahaato, ma qabo in Farmaajo iyo Khayre oo aan Maamul-gobolleedyadoodiiba aan gacanta ku hayn inay odhanayaan Somaliland sii daaya, markaa in wakhti la isaga khasaariyo maaha, ninka reer Somaliland ee Maanta taa ka sugayaana ma jiro.”

Cabdillaahi-dirawal waxa kale oo uu sheegay “Abyi Axmed, siyaasaddiisa muu qarin ee Geeska oo dhan buu isku darayaa.” ayuu yidhi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this