Deeq A. Posted April 8, 2020 Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa xalay howlgal ka sameeyey Boosaaso, kadib markii gudaha magaaladaasi uu ka dhacay qarax miino oo khasaare geystay. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa fuliyey ciidamada sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano PSF-ta ee maamulkaasi. Wararka ayaa sheegaya in baaritaanadan lagu soo qab-qabtay tiro dad ah oo lagu tuhamayo qaraxaasi oo uu khasaaraha ugu badan uu ka soo gaaray dad rayid ah. Ma jiro weli wax faah faahin oo ay saraakiisha laamaha ammaanka Boosaaso ay ka bixiyeen howlgalkaasi. Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa deegaanada maamul goboleedka Puntland ka dhacayey falal liddi ku ah nabad-gelyada oo isugu jira qaraxyo iyo dilal qorsheysan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites