Sign in to follow this  
Deeq A.

Shuute oo si adag uga hadlay colaada Wanlweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada ay sheegay in tallaabo laga qaadayo dadkii ka dambeeyey dhibaatadii ka dhacay degmada Walanweyn ee gobolka Sh/ Hoose.

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ka hadlay kulan dhexmaray saraakiisha ciidamada iyo odayaasha degmada ayaa sheegay in Ciidamada iyo Saraakiisha Danab ay amar Maxkamadeed u qabaan inay nolol ama geeri ku keenaan qofkii maanta ka ddib dhibaatooyin u geysta muwaadin Soomaaliyeed, isagoo xusay in cidii isku daydo in ay difaacdo dambiile , iyadana la qaban doono.

Guddoomiyaha ayaa qiray in wixii Walanweyn ka dhacay ay ahaayeen wax ka fog Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed isagoo sheegay in dadkii ka dambeeyay  dhibaatadaas ay mari doonaan ciqaabta ay muda nyihiin.

Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka caddaaladda Koonfur Galbeed, guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose iyo mas’uuliyiin kale.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this