Deeq A. Posted April 8, 2020 Qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka iyo kuwa mooto Bajaaj-ka ayaa xilligaan walaac xoogan ka muujinaya burbur xoogan oo ka muuqda jidka Taleex oo isku xira wadooyinka muhiimka ah ee Maka Al-Mukarrama iyo Wadnaha ee magaalada Muqdisho. Wadayaasha qaarkood oo u warramay Shabelle ayaa sheegay inay dhibaato ku qabaan marinka wadadaasi oo wax dayactir ah aan helin sanadihii ugu dambeeyey. Sidoo kale gaadiidleydaan ayaa ka dalbaday maamulka gobolka Banaadir inuu wax ka qabto cabashadooda, una dhiso wadadaasi maadaamo laga qaado lacago canshuuro ah. Hakaan hoose ka dhageyso warbixinta https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/aaa.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites