Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo gudbtay Qaad loo soo waday Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada badda Kenya ayaa gacanta ku dhigay laba doon oo siday Qaad si sharci darro la rabay in loo soo marsiiyo Jasiirada Lamu, si loo soo gudbiyo gudaha Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay inay horay u hayeen xog ku saabsan in ay jiraan doomo si sharci darro ah Qaad ugu gudbinaya Soomaaliya.

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Nairobi ayaa daabacay in Qaadka ay sideen doomaha ee la qabtay uu qiime sare ku kacayey, islamarkaana ay gubeen ciidamada ammaanka, maadaama Kenya la galiyey go’doon, si loo yareeyo khatarta Coronavirus.

Daily Nation ayaa sidoo kale qoray in ciidamada badda Kenya ragii la socday doomahaasi ay gacanta u galiyeen ciidamada ammaanka xabsigana loo taxaabay..

Si kastaba ha’ahaatee dowladda federaalka ayaa horay u mamnuucday Jaadkii Soomaaliya uga iman jiray Itoobiya iyo kenya, taasi oo qeyb ka ah dadaalada lagu xakameynayo Coronavirus oo laga helay dalal dhaca geeska Africa oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this