Deeq A. Posted April 8, 2020 Qaar ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ee ku dhaqan M/Muqdisho ayaa ka aragti dhiibtay wadahadallada dowladda federaalka iyo Somaliland oo weli hakad ku jira. Shabelle oo la hadashay waxgaradkaan ayaa waxay ku baaqeen in la sii amba qaado wadahadallada labada dhinac. Sidoo kale waxay dalbadeen in wadahadalladaasi laga qeyb-geliyo odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, si la’isugu soo dhawaado. Dhinaca kale Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah waxgaradka Muqdisho ayaa baaq nabadeed u diray beelaha ku dagaalamaya qeybo ka mid ah dalka. Xaad oo la hadlayey Idaacadda Shabeelle ayaa maleeshiyaadka diriraya ka dalbaday inay wax weliba ku dhameeyaan wadahadal, si looga baaqsado inuu markale dhiig daato . Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe dagaal beeleedyo kala duwan ay ka soo cusboonaadeen gobollada Jubbada Hoose, Shabeelaha Hoose iyo Galgaduud. View the full article Share this post Link to post Share on other sites