Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka oo gargaar ka dajiyey Hargeysa + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa saaka garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ka degtay diyaarad siday gargaar oo ka timid dalka Imaaraadka Carabta.

Diyaarada oo caga-dhigatay garoonka caalamiga ee Cigaal ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay siday gargaar caafimaad oo uu Imaaraadka ugu deeqay Somaliland.

Gargaarka ayaa isugu jira daawooyin iyo agab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta cudurka faafa ee Coronavirus.

Wasaaradda caafimaadka Somaliland oo la wareegtay deeqda ayaa u mahad-celisay dowladda Imaaraadka Carabta gargaarkaas u soo dirtay.

Somaliland ayaa illaa iyo hadda xaqiijisay labo kiis oo ka mid ah cudurka COVID-19 oo weli fara ba’an ku haya wadamo badan oo ku yaalla caalamka.

2-13.jpg 1-13.jpg

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this