Sign in to follow this  
Deeq A.

Shuute oo amray in Nolol iyo Geeri mid lagu keeno Dadkii ka dambeeyay wixii ka dhacay Wanlaweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Maxkamadda Derejada Kowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xassan Cali Nuur Shuute, oo warbaahinta kula hadlay Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellada Hoose, ayaa halkaasi ka shaaciyay go’aanno ay Maxkamaddu soo rogtay, si loo xakameeyo colaad beeleedda wanlaweyn ka aloosan.

Guddoomiye Shuute, ayaa sheegay in Ciidamada iyo Saraakiisha DANAB ay amar Maxkamadeed u qabaan, in ay Nolol ama geeri ku keenaan qofkii maanta kaddib  dhibaateeya muwaadin Soomaaliyeed naftiisa iyo maalkiisa, isagoo xusay in cidii isku daydo in ay difaacdana ay la mid tahay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in wixii Walanweyn ka dhacay ay ahaayeen wax ka fog Diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed islamarkaana  dadkii ka dambeeyay  dhibaatadaas ay mari doonaan ciqaabta ay mudanyihiin.

Hadalkaas ayuu jeediyay, kadib kulan degmada Wanlaweyn ku dhexmaray Odayaasha Degaanka iyo Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada oo looga arrinsaday Mashaqadii Degmada  ka dhacday.

Kulanka  waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka Caddaaladda Koofur galbeed, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Koofur galbeed.

PUNTLAND POST

The post Shuute oo amray in Nolol iyo Geeri mid lagu keeno Dadkii ka dambeeyay wixii ka dhacay Wanlaweyn appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this