Deeq A. Posted April 8, 2020 Alle ha u naxariistee, waxaa Magaalada London ku dhintay, fannaan, laxamiiste, abwaan Axmed Ismaaciil Xuseen ‘Xudaydi, oo loo yaqaannay Boqorkii Cuudka, maadaama uu ku xeeldheera tumiddiisa. Maalmihii u dambeeyey Xudaydi waxa uu ku xanuusanayey dhakhtar ku yaal London, isaga oo uu hayey feyraska Corona, ee dunida aadka u saameeyey. Xudaydi waxa uu dhashay, 1928-kii, waxaana uu jirey 92 sano, isagoo ku dhawaad qarnigaa ahaa ahaa tiir aan liicin oo uu leeyahay fanka Soomaalidu, iyada oo lagu yaqaannay tumidda muuusigga, gaar ahaan cuudka. Magaalada Berbera ayuu ku dhashay, waxaana uu dhallinyaronimadiisii ku soo qaatay Cadan, ka hor intii uusan soo noqon. Waxa lagu tilmaamaa inuu ka mid ahaa aasaasayaasha fanka casriga ee Soomaalida. View the full article Share this post Link to post Share on other sites