Deeq A. Posted April 8, 2020 Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) iyo wafdi uu horkacayey ayaa xalay dib ugu laabtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Wararka ayaa sheegaya in ku laabashada Xaaf ee Gaalkacyo ay ka dambeysay, kadib markii la’isku fahmi waayey kulamo maalmihii u dambeeyey uga socda magaalada Dhuusamareeb isaga iyo madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Qoor-Qoor. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in Xaaf ay cuntami waayeen qaar ka mid ah qodobada loo soo bandhigay, taas oo keentay inuu isaga tago magaaladaasi. Dhowaan ayey aheyd markii shaaciyey inuu u tanaasulay danaha guud ee dadka reer Galmdug, si loo soo afjaro khilaafaadka hareeeyey maamulkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites