Deeq A. Posted April 8, 2020 Taliyaha guutada 7-aad qeybta 60 -aad ee ciidanka Dhulka G/le Dhexe Cumar Cabdiraxmaan Abuukar iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Wanlweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, si ay u kala dhex galaan maleeshiyaadka ku diriraya halkaasi. Socdaalkaan waxaa taliyaha ku wehlinayey taliye xigeenka Booliska gobolka Shabeelaha Hoose, G/dhexe Cali Maxamed Salal iyo guddoomiyaha arrimaha bulshada ee ghobolkaasi. U jeedka saraakiishaa ayaa ah sidii looga hortagi lahaa dagaal beeleedka ka soo cusboonaaday gudaha degmadaasi. Wanlaweyn ayaa waxaa maalmihii dambe ka taagnaa xiisad u dhexeyso labo beelood oo walaalo ah, kuwaas oo dagaallo dhex-maray ay isaga dilay dad badan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites