Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil ciidan oo gaartay degmada Wanlaweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha guutada 7-aad qeybta 60 -aad ee ciidanka Dhulka G/le Dhexe Cumar Cabdiraxmaan Abuukar iyo saraakiil uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Wanlweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, si ay u kala dhex galaan maleeshiyaadka ku diriraya halkaasi.

Socdaalkaan waxaa taliyaha ku wehlinayey taliye xigeenka Booliska gobolka Shabeelaha Hoose, G/dhexe Cali Maxamed Salal iyo guddoomiyaha arrimaha bulshada ee ghobolkaasi.

U jeedka saraakiishaa ayaa ah sidii looga hortagi lahaa dagaal beeleedka ka soo cusboonaaday gudaha degmadaasi.

Wanlaweyn ayaa waxaa maalmihii dambe ka taagnaa xiisad u dhexeyso labo beelood oo walaalo ah, kuwaas oo dagaallo dhex-maray ay isaga dilay dad badan.

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this