Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax Khasaare Sababay Oo Ka Dhacay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Bosaaso)-Wararka naga soo gaadhaya magaalada Bosaaso ayaa sheegaya in qarax xalay ka dhacay istaan laga raaco gaadiidka isaga kala goosha magaalada ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 10 qof.

Qaraxa oo ka dhashay miino jidka la dhigay ayay wararku sheegayaan in bartilmaameedkiisu ahaa baabuur ay la socdeen ciidamo ku gaaf-wareegayay magaalada, si ay u hubiyaan dhaqan-galka bandowga xilliga habeenkii ah ee lagu soo rogay Boosaaso.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dhaawacyadu ay iskugu jiraan sagaal qof oo rayid ah iyo askari ka tirsan ciidanka amniga ee Boosaaso.

Qaraxaan ayaa kusoo beegmay xilli ay guud ahaan magaalooyinka Puntland ka dhaqan-galeen bandoow habeenkii ah. Todobaadki hore ayay aheyd marki qarax ismiidaamin ahaa lagu dilay gudoomiyihii hore ee gobolka Nugaal.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this