Sign in to follow this  
Deeq A.

Faahfaahinta qarax xalay ka dhacay Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa qarax miino oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qaraxa oo ka dhacay boosteejo laga raaco baabuurta ayaa lala beegsaday gaari ay leeyihiin Booliiska oo roondo ku jiray si loo hubiyo bandowga saaran magaalada.

Inta la xaqiijiyay qaraxaas waxa ku dhaawacmay 10 ruux oo isu’gu jira 9 qof oo shacab ah iyo hal askari oo ka tirsan ciidanka Booliiska Puntland.

Dadkaas ayaa badankoodu dhaawacyo fudud qaba marka laga reebo hal ruux oo la sheegay in xaaladdiisu liidato.

Ma jirto ilaa iyo haatan cid loo qabtay iyo cid sheegtay midna qaraxa oo ku soo beegmay xilli uu bandow saaranyahay magaalada Boosaaso.

PUNTLAND POST

The post Faahfaahinta qarax xalay ka dhacay Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this