Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqorkii Garaacida Kamanka Somalida Xudeydi oo u dhintay Xanuunka Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

 Boqorkii Cuudka Somalida Xudeydi oo u dhintay Xanuunka Coronavirus

 xudeydi.jpg

Alle ha u naxariistee, waxaa Magaalada London ku dhintay, fannaan, laxamiiste, abwaan Axmed Ismaaciil Xuseen ‘Xudaydi, oo loo yaqaannay Boqorkii Cuudka, maadaama uu ku xeeldheera tumiddiisa.

Sida ay BBC-da u xaqiijisay Ayaan Maxamuud oo ah asaasaha ururka Kayd, oo soo qabanqaabiya Toddobaadka Dhaqanka Soomaalida ee London ka qabsooma sannad walba. Ayaan waa saaxiib ay aad isugu dhawaayeen Xudaydi, sidoo kale dhawr jeer ayuu kala qayb qaatay barnaamijkaasi.

Maalmihii u danbeeyey Xudaydi waxa uu ku xanuusanayey dhakhtar ku yaal London, isga oo uu hayey feyraska Corona, ee dunida aadka u saameeyey. Xudaydi waxa uu dhashay, 1928-kii, waxaana uu jirey 92 sano, isagoo ku dhawaad qarnigaa ahaa ahaa tiir aan liicin oo uu leeyahay fanka Soomaalidu, iyada oo lagu yaqaannay tumidda muuusigga, gaar ahaan cuudka.

Waxa uu ku dhashay magaalada Berbera, waxaana uu dhallinyaronimadiisii ku soo qaatay Cadan, ka hor intii uusan soo noqon. Waxa lagu tilmaamaa inuu ka mid ahaa aasaasayaasha fanka casriga ee Soomaalida.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this