Juje Posted August 3, 2009 Xarakada Alshabaab oo xukun garbaash ku fuliyay dhalinyaro reer Jowhar ah Xarakada Alshabaab ayaa xukun garbaash ku fuliyay ilaa afar dhalinyaro oo ay howl galo ku soo qab qabteen, iyadoo Maxkamad la soo taagay dhalinyaradaas lagu xukumay min 33 garbaash. Qaadiga Maxkamada Shabaab ee magaalada Jowhar ayaa sheegay in dhalinyarada lagu xukumay xukunka garbaash lagu soo qabtay iyadoo falal xatooyo ka waday Xarunta UNICEF. "Dhalinyaradan Xukunka tacsiirka lagu xukumay waa dhamaan reer Jowhar, waxayna ciidamada xisbada soo qabteen iyagoo falal xatooyo ku hayay hanti guud, sidaas darteed hanti gaar ma aheyn waxay xadeyeen, meeshaas UNICEF la yiraah bey wax ka soo qaateen"ayuu yiri Sarkaalka Maxkamada qaadayay ee Xarakada Alshabaab. Inkastoo dhalinyaradan lagu fuliyay min 33 garbaash ayaa hadana waxaa horay u jirtay in wixii agab ee muhiimsanaa ay Ciidamada Shabaab horay ugu bililaqeysteen Xarunta UNICEF , kadib markii ay la wareegeen Magaalada Jowhar. Boqolaal dadweyne oo ka kala yimid Xaafadaha ku yaal magaalada Jowhar ayaa ka qeyb galay goobta fagaaraha ee dhalinyaradaas lagula fuliyay garbaash, iyadoona markii u horeysay tahay xukun ceynkan oo kale ah oo Shabaabka Jowhar ka fuliyo. Ka sokow xukunkan garbaashka ayaa waxaa sii wehliyy xukuno kale oo ku dhisan salfudeednimo, kaasoo ay fuliyaan ciidamada Shabaab mararka ay marayaan wadooyinka magaalada, waxaana dhalinyarada qaar ay ka cararaan marka ay sii arkaan askari shabaab ah oo magaalada dhex socda, gacantana ku watay jeydal garabkana ku sita qori. SOURCE Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 4, 2009 The armed looters can punish the civilian looters ,,,, it is about power dee Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted August 4, 2009 soo tii ay maydka baadhanayeen, mise waa qaniimo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 4, 2009 Taasna waa qaniimo ...... Quote Share this post Link to post Share on other sites