Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo shaaciyay in uu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Militariga Maraykanka ayaa shaaciyay  in ay 2-dii bishaan April duqayn diyaaradeed ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa Al-shabaab.

Qoraal ka soo baxay Taliska Maraykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeynta oo ka dhacday degaanka Bush Madina ee gobolka Baay lagu dilay sarkaalkaas oo magaciisu ahaa  Yuusuf Jiis.

Dowladda Maraykanka ayaa ninkaas ku tilmaamay in uu ka mid ahaa aas’aasyaasha kooxda Al-shabaab isla markaana uu mas’uul ka ahaa gumaadka shacabka.

Bayaan hore oo sabtidii kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka agagaarka tuulada Bush Madina ee gobolka Baay lagu dilay 5 argagixiso, iyadoo aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin dadka rayidka ah.

PUNTLAND POST

The post Maraykanka oo shaaciyay in uu dilay sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this