Deeq A. Posted April 7, 2020 War-saxaafadeed ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa waxaa looga hadlay duqeyn cusub oo uu Mareykanka ka fuliyey qeybo ka mid ah degmada Jilib ee gobolka J/Dhexe. Qoraalka AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi dhanka cirka ah ay la beegsatay goobo ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab. Mareykanka ayaa sheegtay inuu duqeyntaan ku dilay illaa shan xubnood oo ka tirsanaa dhaq dhaqaaq Al-Shabaab oo saraakiil ay ku jiraan, sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale Mareykanka ayaa tilmaamay in howlgalkaan oo ah mid qorsheysan ay gacan ka siiyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya. Ugu dambeyn qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inay AFRICOM baareyso, haddii ay jiraan khasaare duqeyntaan ka soo gaaray dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi. Maalmihii dambe Mareykanka ayaa sare u qaaday weerarada uu ka fuliyo gobollada dhaca koonfurta Soomaaliya oo ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab. View the full article Share this post Link to post Share on other sites