Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo ‘lagu dilay’ Jilib

Recommended Posts

Deeq A.   

War-saxaafadeed ka soo baxay taliska AFRICOM ayaa waxaa looga hadlay duqeyn cusub oo uu Mareykanka ka fuliyey qeybo ka mid ah degmada Jilib ee gobolka J/Dhexe.

Qoraalka AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi dhanka cirka ah ay la beegsatay goobo ay ku sugnaayeen xoogag ka tirsan Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sheegtay inuu duqeyntaan ku dilay illaa shan xubnood oo ka tirsanaa  dhaq dhaqaaq Al-Shabaab oo saraakiil ay ku jiraan, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale Mareykanka ayaa tilmaamay in howlgalkaan oo ah mid qorsheysan ay gacan ka siiyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inay AFRICOM baareyso, haddii ay jiraan khasaare duqeyntaan ka soo gaaray dadka rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi.

Maalmihii dambe Mareykanka ayaa sare u qaaday weerarada uu ka fuliyo gobollada dhaca koonfurta Soomaaliya oo ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this