Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar khasaare geystay oo ka dhacay duleedka Xudur

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Koonfur Galbeed lagu weeraray duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolkaasi, xilli ay ku socdaalayen duleedka degmadaasi.

Weerarka oo ahaa mid jid-gal ah ayaa waxaa fuliyey dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in weerarka kadib iska hor imaad kooban uu dhex-maray labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dhinaca kale Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuuliyadda weerarkan ayaa baahisay inay ku dishay ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa ciidanka Daraawiishta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, sidoo kalena ay ku dhaawacday illaa saddex kale.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha laamaha amniga oo la xariira weerarkaas iyo dagaalka xigay.

Xaaladda ayaa hada yare degan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada huwanta ay dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen halkaasi.

Inta badan dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ku qaada ciidamada Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda, xilliyada ay isaga kala gooshayaan wadooyinka isku xira gobollada Baay iyo Bakool oo dhaca koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this