Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada DF oo nin hubeysan ku toogtay Dharkenley

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahin dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada dowladda ay ka sameeyeen degmada Dharkenley ee G/ Banaadir.

Howlgalka oo laga fuliyey waaxda koowaad ee degmadaasi ayaa intii uu socday wuxuu iska hor imaad dhex-maray rag burcad ah iyo ciidanka amniga oo baacsanayey.

Is-rasaaseynta oo muddo kooban socotay ayaa waxaa lagu dilay mid ka mid ah raggii hubeysnaa, kaas oo magaciisa lagu sheegay, Xasan Cadow Xabad-Weyne.

Weli maamulka degmada iyo saraakiisha ammaanka dowladda kama hadlin dhacdadaasi, iyadoona haatan xaaladdu ay tahay mid degan.

Muddooyinkii la soo dhaafaay shacabka ku dhaqan Dharkenley ayaa waxa ka cabanayeen rag burcad ah oo dhibaatooyin kala duwan ka geysanayey degmadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this