Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo amray in la adkeeyo amniga deegaanada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa faray saraakiisha iyo ciidamada ammaanka maamulkaasi inay xoojiyaan nabad-gelyada.

Deni ayaa saraakiisha ciidamada Puntland kula dar-daaramay inay adkeeyaan qorshaha lagu sugayo amniga maamulkaasi, si looga hortago falalka amni darrada ah.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka inay ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan nabad-gelyada guud ee deegaanka.

Dhowaan ayey aheyd markii madaxweyne Deni uu isu bedalay taliyeyaasha ciidamada Booliska gobollada Nugaal iyo Mudug, si loo adkeeyo amniga gobolladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this