Sign in to follow this  
Deeq A.

IGAD oo lacag badan ugu deeqday dowladda Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cali Nuur ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho IGAD uga gudoomay Jeeg Lacageed oo ay ku xusan tahay lacag dhan $100,000.

IGAD ayaa sheegtay in dhaqaalahaasi loogu deeqay Soomaaliya, loogu tala-galay ka hortagga iyo xakameynta cudurka dilaaga ah ee Coronavirus.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cali Nuur ayaa Ururka IGAD uga mahad-celiyey taageerada dhaqaale ee ay ku garab istaageen dowladda federaalka iyo shacabkeeda.

Lacagtaan ayaa qeyb ka ah qorshe ay IGAD dhaqaale ugu taageereyso dalalka xubnaha ka ah ururkaasi ee laga helay cudurka COVID-19 oo Soomaaliya ay ka mid tahay.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this