Deeq A. Posted April 7, 2020 Wasiirka caafimaadka XFS, Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa shaacisay in maanta wixii ka dambeeya dadka looga shakiyo fayruska Corona lagu baari doono gudaha dalka. Fowsiyo oo warbaahinta kula hadleysay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in dib loo howlgaliyey Sheybaarka Dhexe ee Qaranka, islamarkaana ay adeegsan doonaan. Sidoo kale waxay intaasi ku dartay in qalab cusub ay ka heleen hay’ado caalami ah, islamarkaana ay isticmaali doonaan. Ugu dambeyn wasiirka caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqday inay muujiyaan taxadar iyo feejignaan dheeri ah. Dowladda federaalka ayaa illaa iyo hadda xaqiijisay todobo qof oo laga helay cudurka COVID-19, kuwaas oo ku jira xaalad karantiil ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites