Sign in to follow this  
Deeq A.

“Shirkadaha Flydubai Iyo Alrabiya Hadii Ay Duulimaadyo Toos Ah Ka Bilaabaan Muqdisho Iyo Garoowe Waxa Ay…” Cali Guray

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkadaha FlyDubai iyo Alrabiya hadii ay duulimaadyo toos ah ka bilaabaan Muqdisho iyo Garoowe waxay ka go’antahay Somaliland waayo rakaabka ugu badnaa ee Hargeysa ay keeni jireen waxay ahaan jireen Transit ku socda gobolada Somalia. Ethiopian Airline lafteeduna hore ayay duulimaadyo toos ah uga bilawday Muqdisho. Kuwaa laftooda ayaa markii hore ay keeni jirtay Hargeysa oo transit ku mari jiray.
Hadda Hargeysa waxa u hadhay inta Somaliland u socota oo keliya. Weliba kuwa ku socda bariga sida Laascaanood oo kale waxaba u fudud inay ka degaan Garoowe. Rakaabka Somaliland ku socda marka la joojiyay kuwii carabta waxa u furan oo keliya inay Ethiopian Airline oo keliya soo raacaan qiimuhuna cirka tago ilayn ma jirto diyaarad kale oo la tartamaysaaye. Xataa rakaabka Somaliland u socda ee Imaaraadka ka imanaya ayaa ku qasban inay ka soo wareegaan Addis Ababa ilayn dayuuraddii DAALLO ee xiliyadii ugu adkaa aynu kaga soo gudubnay ee inagala soo dabaalatay waxaynu u burburinay shirkado kale oo ka awood badan oo aynu u ogolaanay mid kastaba duulimaadyo maalinle ah. Hadii kuwa shisheeyaha aynu laba sadex maalmood u ogolaan lahayn ugu badnaan khadka kamay saareen DAALLO eh. Markaa tollow maxay damacsan tahay xukuumadda Somaliland marka ay arkayso xaaladdan khasaaruhu dal ahaan iyo dad ahaanba inoo taaban karo. Dee mooyi dheh!” W/Q Mujaahid Cali Guray

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this