Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddiga Qaran ee dib u heshiisiinta oo baaq diray

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta Qaran, Mudane Ismaaciil Macalin Muuse oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho yaa si kulul u cambeeyey dagaal beeleedyada ka soo cusboonaaday qeyba badan oo ka mid ah dalka.

Ismaaciil Macalin ayaa ugu baaq u diray dhinacyada ku dagaalamaya gobollada Jubbada Hoose, Shabeelaha Hoose iyo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, isagoona ka dalbaday inay wax weliba ku dhameeyaan wadahadal iyo deganaan.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday dowladda federaalka inay ciidamo kala dhex-dhigto maleeshiyaadka diriraya, si looga hortago dagaalladaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/ddd.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this