Deeq A. Posted April 6, 2020 Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed ayaa manta oo soo saaray warsaxaafadeed ay kaga hadlayaan halista iyo faafidda Coronavirus. Warsaxaafadeedkaan waxa uu u qornaa sidata Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed markuu arkay xaalada cudurka COVID-19 ee dalka Soomaaliya waxa uu soo saaray qodobadaan hoose: 1-Ururka waxa uu bogaadinayaa dadaalada madaxda qaranka ee ku aadan ka hortaga iyo xakameynta cudurka COVID-19 Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed markuu arkay bukaano dhowr ah oo leh calaamadaha tuhunka ee COVID-19 kuwaa oo booqday xarumaha caafimaadka ee muqdisho una baahan baaritaan, waxaan bulshada Soomaaliyeed ku wargelinaynaa inay jiri karto suurtagalnimada in cudurka COVID-19 uu si hoose bulshada ugu faafayo Si loo yareeyo khatarta cudurka iyo ku faafidiisa bulshada, Ururka dhakhaatiirta Soomaaliyeed waxa uu bulshada Soomaaliyeed ku adkeynayaa in ay raacaan dhamaan talaabooyinka wacyigelinta ee loo jeediyay sida kala fogaanshaha, nadaafada guud, gacmo dhaqashada iyo la xiriirka xaruma loogu tala galay COVID19 hadii qofku isku arko calaamado, sidoo kale waa in bulshadu aysan qarsan cudurka ama aysan diidin in la geeyo xarumaha daaweynta cudurka COVID-19. Dhakhaatiirta Soomaaliyeed waxaan ku baraarujineynaa in ay bilaabaan taxadir dheeri ah ayna nafsadooda baadbaadiyaan marka koowaad si ay bulshada u badbaadiyaan xirtaana PPE, Face Mask, Glovesc inta ey ka helikaraan marka ay la tacaamulayaan bukaanada imaanaya isbitaalada. Mogadishu- Somalia5. Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed waxa uu u usheegayaa bulshada Soomaaliyeed in Ururka la talin, baraarujin iyo awood kasto uu ku daray Wasaarada caafimaadka ee dowlada federaalka Soomaaliya Balse Ururka Dhakhaatirta Somaliyeed waxa uu dareemayaa in aan la dhamaystirin dhamaan baahiyaha lagula tacaali lahaa cudurka COVID19 sida qalabeynta xarumaha daaweynta COVID19 iyo diyaarinta shaqaale caafimaad oo aqoon u leh la tacaalidda iyo daaweynta cudurka, Sidaas daraadeed Ururka waxaa uu ku talaniyaa in dhamaan hay’adaha dowladda, Wasaaradaa Caafimaadka, ganacsatada, culumada, Ururadda aan dowliga eheen iyo Ururka Dhakhaatiirta Somaliyeed in ay si wadajir u dardargaliyaan hawlaha dhameystirka baahiyaha lagula tacaali lahaa cudurka COVID19. Gabagabadii waxaan Umada Soomaaliyeed ugu baaqeynaa in ay masuuliyad isi saaraan ayna qaataan talooyinka caafimaad ee ku aadan ka hortaga cudurka COVID19 ayna qarsan xanuunka una dhago nuglaadaan talooyinka Caafimaad ee Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed. Waxaan allah ka baryeynaa in uu umada soomaaliyeed meel walbo oo ey joogaan uu ka badbaadiyo halista Cudurka COVID-19. View the full article Share this post Link to post Share on other sites