Deeq A. Posted April 6, 2020 Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shil gaari oo ka dhacay agagaarka deegaanka Xaawa Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho. Shilkaan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay shilkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen shan kale. Dr Amiin Samakaab oo ka howlgala isbitaal ku yaalla deegaanka Ceelsha Biyaha oo la dhigay dhaawacyada dadkaasi ayaa Shabelle uga warbixiyey dhacdadaasi. Halkaan hoose ka dhageyso codka. https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/sss.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites