Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil khaaare geystay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shil gaari oo ka dhacay agagaarka deegaanka Xaawa Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho.

Shilkaan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay shilkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen shan kale.

Dr Amiin Samakaab oo ka howlgala isbitaal ku yaalla deegaanka Ceelsha Biyaha oo la dhigay dhaawacyada dadkaasi ayaa Shabelle uga warbixiyey dhacdadaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/sss.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this