Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Mubaarak

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay duqeyn cusub oo xalay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ay ka fuliyeen deegaanka Mubaarak oo ka tirsan gobolka Sh/Hoose.

Qoraalkaan oo ay shaacisay wasaaradda warfaafinta ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi dhanka cirka ah ay iska kaashadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Soomaaliya iyo ciidamada Mareykanka ee taliska AFRICOM.

Sidoo kale dowladda federaalka ah ayaa xaqiijisay in weerarkaasi oo dhacay 5-tii bishaan lagu dilay illaa 8 ka tirsanaa kooxda A-Shabaab, sida ay hadalka u dhigtay.

“Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya ciidamada Mareykanka ee Africom ayaa duqeyn xalay ay ka sameeyeen degaanka Mubaarak ee gobolka Sh/hoose ku dilay 8 horjooge ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi.

Mareykanka ayaa sanadkaan 2020-ka kordhiyey howlgallada uu ka fuliyo Soomaaliya, gaar ahaan duqeymaha ka dhanka ah dagaalyahannada Al-Shabaab.

91817086_2833495916706370_28284490420385

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this