Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo hakisay qabashada codsiyada baasaboorka + sababta ka dambeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda socdaalka iyo jinsiyasadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta shaacisay inay muddo kooban hakad-gelisay qabashada codsiyada baasaboorka, sababo la xariira cudurka faafa ee Coronavirus.

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska hay’adda ayaa waxaa lagu sheegay in beri oo Talaado ah wixii ka dambeeyey la joojiyey howlaha bixinta bixinta baasaboorka.

Sidoo kale hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda ayaa tilmaamtay in go’aank ay qaadatay, kadib markii ay sii kordheen digniinaha la xariira Fayruska Corona oo soo gaaray dalka.

Hay’adda ayaa sidoo kale intaasi ku dartay inay Ummadda Soomaaliyeed ku soo war-gelin doonto waqtiga dib oo bilaabayo qabashada codsiyada baasaboorka.

“Digniinaha caafimaadka iyo Xaaladaha Caabuqa Karoonaha oo saameeyey isku socodka iyo xaafiisyada kale ee bixiya adeegyada la xariira bixinta baasaboorka awgood, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu waxay muwaadiniinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan ku wargelinaysaa in laga bilaabo maalinimada Talaadada ah, taariikhduna tahey April 7, 2020 la hakiyey qabashada codsiyada baasaboorka ilaa wargelin danbe.” ayaa lagu yiri warka kooban ee ka soo baxay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo horay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay u joojisay dhammaan duulimaadyada gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee guud ahaan dalka, sababo ku aadan xakameynta cudurka Coronavirus oo illaa iyo hadda wasaaradda caafimaadkaa ay xaqiijisay illaa 7 qof oo lagu karantiilayo gudaha magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this