Sign in to follow this  
Deeq A.

Qof Muqdisho ku sugan oo safar dibad gelin oo laga helay cudurka Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, Maxamed Siciid Cabdullaahi ayaa ka warbixiyey xaaladihii ugu dambeeyey ee cudurka Coronavirus, kadib wareysi gaar ah oo uu siiyey Idaacadda Mustaqbal.

Wasiirka ayaa wareysigaan ku sheegay inay hayaan kiiskii ugu horreeyey ee COVID-19, kaas oo aan ka imaan dalka dibaddiisa.

Maxamed Siciid ayaa shaaciyey in qof ku nool magaalada Muqdisho oo ah muwaadin Soomaaliyeed laga helay cudurka, islamarkaana uu haatan ku jiro xaalad karantiil ah.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad, si looga hortago faafitaanka Furuska Corona.

“Kiiskii ugu horeeyay oo gudaha ah isla markaana aan ka imaan dibadda ayaan heynaa, taas micnaheedu ma ahan in dadka dibadda ka imaanaya kaliya aan wadin cudurka, si kasta ayuu ku fidiyaa, haddii aan rabno in aan kahor tagno waa in aynu qaadanaa talooyinka caafimaadka.” ayuu yiri wasiir ku xigeenka caafimaadka Soomaaliya.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday illaa iyo hadda tirada inta qof ee ay diiwaan-geliyeen, isagoo ku sheegay 7 ruux oo labo ka mid ah ay yihiin Ajaaniib.

Ugu dambeyn wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa hoosta ka xariiqay in qof ka mid ah dadkii ay hayeen uu caafimaaday, kadib daryeel loo fidiyey.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this