Sign in to follow this  
Deeq A.

Lafta Gareen oo guddi u saaraya colaada Wanlweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka hadlay Colaadda ka socota Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweyne Cabdicasiis ayaa marka hore tacsi u diray dadkii ku geeriyooday colaadda Wanlaweyn, isagoo colaadaas uu ku tilmaamay mid islaanimada iyo Soomaalinimada ka fog.

Waxaa uu sidokale shegay Madaxweynaha Koonfur Galbeed in ay  sharciga horkeeni doonaan cid walba oo ku lug leh dagaalka xun ee maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay Degmada Wanla-weyn iyo deegaanada hoostaga.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska madaxweeyne Lafta-gareen ayaa waxaa lagu sheegay in Guddi loo saari doono colaada Wanla-weyn, kuwaasi oo si deg deg ah u kala dhex geli doona beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamayo Wanlaweyn.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this